La socodka daymaha
Ogow cidda lacag kugu leh, inta ay kugu leedahay iyo lacagta aad dadka ku leedahay.
DAYNHAYE BY MAANFUREDaynHaye waa barnaamij kombiyuutar oo aad ku diiwaangelin karto daymaha, macaamiisha, dakhliga, kharashaadka iyo rasiidhada. Waxa kale oo uu leeyahay qayb aad ku maamuli karto arrimahaaga gaarka ah.

Waxaad ku bilaabi kartaa daymaha, kadibna ku sii isticmaali kartaa maamulka ganacsiga iyo xisaabtaada gaarka ah.
Ogow cidda lacag kugu leh, inta ay kugu leedahay iyo lacagta aad dadka ku leedahay.
Diiwaangeli lacagta soo gasha iyo tan ka baxda ganacsigaaga ama xisaabtaada gaarka ah.
Meel keliya ku hay macaamiishaada iyo xogta macaamilkooda.
Samee rasiidho, una fiirso warbixinnada ku saabsan dhaqdhaqaaqa ganacsigaaga.
La soco taariikhaha lacagaha la bixinayo iyo hawlaha kuu qorshaysan.
Qaybaha muhiimka ah ee DaynHaye waxaad ku isticmaali kartaa kombiyuutarkaaga adigoon internet joogto ah u baahnayn.
DaynHaye wuxuu leeyahay laba qaybood oo kala gaar ah: mid ganacsiga loogu talagalay iyo mid aad ku maamuli karto xisaabta iyo hawlahaaga shakhsiyeed.
Weydii faahfaahinMacaamiisha, daymaha, dakhliga, kharashaadka iyo warbixinnada.
Miisaaniyaddaada, hawlaha kuu qorshaysan iyo xisaabtaada gaarka ah.
Si aad u hesho nooca tijaabada, nala soo xidhiidh. Website-kan hadda lagama soo dejisan karo barnaamijka, akoon online ahna lagama samaysan karo.
Waxaan kuu sharxi karnaa qaybaha barnaamijka, habka rakibidda iyo tijaabada bilaashka ah.
Email noo soo dir[email protected]