Af-Soomaaliga oo mudnaanta leh
Waxaan doonaynaa in qofku adeegyada casriga ah ku isticmaalo afkiisa hooyo. Halka ay ku habboon tahay, waxaan sidoo kale taageernaa Ingiriisiga.
Maanfure waa astaan Soomaaliyeed oo dhista barnaamijyo iyo adeegyo casri ah si ay dadka iyo ganacsiyadu shaqadooda ugu qabtaan si fudud oo habaysan. Waxaan ku bilownay DaynHaye, waxaana hiigsanaynaa inaan sii abuurno adeegyo waxtar leh.
Waxaan rumaysan nahay in barnaamijka wanaagsan uu noqdo mid la fahmi karo, faa’iido leh, laguna kalsoonaan karo.
Ma aha oo keliya waxa aan dhisno; sida aan u dhisno iyo sida aan dadka ula dhaqanno ayaa noo muhiim ah.
Waxaan doonaynaa in qofku adeegyada casriga ah ku isticmaalo afkiisa hooyo. Halka ay ku habboon tahay, waxaan sidoo kale taageernaa Ingiriisiga.
Waxaan ku dadaalnaa inaan shaqadeenna ku hagno qiyamka Islaamka, anshaxa suuban, ixtiraamka dadka iyo masuuliyadda.
Waxaan qiimaynaa hadal cad, ballan la oofiyo iyo adeeg aan macmiilka lagu marin-habaabin. Kalsoonida dadka waa masuuliyad.
Waxaan xoogga saarnaa xalal yareeya hawlaha soo noqnoqda, waqtiga lumaya iyo jahawareerka, si qofku ugu mashquulo waxa u muhiimsan.
DaynHaye waa barnaamijkeennii ugu horreeyay. Waxa loogu talagalay in lagu habeeyo daymaha, macaamiisha, dakhliga, kharashaadka, rasiidhada iyo hawlo kale. Waa tallaabadii ugu horreysay ee himilada Maanfure.
Baro DaynHayeWaxaan hiigsanaynaa mustaqbal ay dadku heli karaan barnaamijyo la fahmi karo oo waxtar u leh noloshooda iyo ganacsigooda. Waxaan rabnaa in fudaydka, tayada iyo dhaqanka wanaagsan ay isla socdaan.
Baro DaynHaye ama nala wadaag talo aad u aragto inay adeegyada Maanfure wanaajin karto.